Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo sheegay in ay weerar ku qaadeen Ismaamulka Gaarisa

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya qaybo kamid ah deegaanada hoos yimaada ismaamulka Gaarisa ayaa sheegaya in dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig meliteri oo ay lahaayeen ciidanka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala bartilmaameedsaday saldhigga oo ku yaalla deegaanka Gaarisa oo hoostaga magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warar lagu baahiyay baraha internetka ay ku leeyihiin Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weerarkaasi ku bur buriyeen saldhigaasi melitari uuna ahaa howl galkaasi mid qorshaysan.

Dowladda Kenya wax hadal ah kama aysan soo saarin sheegashada Al-Shabaab ee weerarkaasi.