Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay qaybo ka mid ah Degmada Cabuud Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Wararka aynu ka helayno degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen qayba ka mid ah degmadaas.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan bahsan oo ciidan ka soo wajahday, waxaana la sheegay in aysan ciidanku muddo laba-bilood ah aysan wax mushaar ah qaadan.

Waxaa la sheegay in ciidanku ay la wareegeen Taliska Booliska degmada iyo Maxkamadda ee dagmadaas.

Dhanka kale ma jirto cid ka hadashay ilaa hadda oo maamulka Galmudug ka tirsan, waxaana lasoo sheegayaa in tira ahaan ay ciidanku gaarayaan 100 Askari,kuwaas oo la sheegay in ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan.