Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo ku dagaalamay Gobolka Sanaag.

Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa Barqonimadii maanta wuxuu ka dhacay Galbeedka Hadaaftimo ee Waqooyiga Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa yimid kamid markii Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka soo baxay Magaalada Yubbe ay is rasaaseeyeen Ciidamo kale oo ka tirsan Puntland oo ku sugan meel aan sidaa ugu fogeyn deegaanka.

Dagaalka ayaa socday daqiiqado, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu istaagay, inkasta oo ay wali is hor fadhiyaan ciidamadii dagalaamay.

Mararka qaar waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada kala taabacsan Somaliland iyo Puntland oo aan la helin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray.

Dadka deegaanka waxay dhanka kale sheegeen in labada dhinac ay maalmihii ina dhaafay kala wadeen abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cabsi gelisay xasiloonida Gobolada Sool iyo Sanaag.

Shalay waxaa Degmada Laasqoray ku dagaalamay Ciidamo ay kala wateen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Puntland iyo Guddoomiyaha Somaliand ugu magacaaban Badhan.