Beesha Calamka oo ka hadashay Doorashadda Soomaaliya Ka Dhacaysa sanada 2021-ka.

Beesha caalamka ayaa war kasoo saartay arrimaha laxariira doorashooyinka lafilayo in ay ka dhacaan dalka somalia sanada 2021 taasi oo dhawaan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka somalia maxamed cabddullahi farmaajo uu saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka sharcigaasi oo horay ay usoo meelmariyeen xillibaanada labada golle.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in sharciga doorashooyinka ee 20kii bishan uu saxiixay madaxweyne farmaajo uu yahay sharci muhiim u ah qabsoomidda doorasho sharci ah oo kadhacda dalka somalia islamarkaana ay shacabka somaliyeed fursad u heli doonaan in ay codkooda uga qeyb qaataan doorashada lafilayo in dalka ay kadhacdo sanadda 2021.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqaday dowladda federaalka somalia,dowladd goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe,xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaan danlleyda siyaasadeed in ay lashaqeeyaan guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka si ay u hirgaliyaan sharciga doorashooyinka qaranka islamarkaana ay dalka qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadda 2021.

Sidoo kale warka kasoo baxay beesha caalamka waxaa lagu xussay in ay muhiimtahay in lacaddeeyo matalaadda siyaasadeed ee haweenka ay kuleeyihiin doorashada qoonadda haweenka taasi oo ah 30 boqolkiiba.

War saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin waddamada Belgium, Denmark, EU, IGAD, Norway. Sweden,UK, Ethiopia,Turkey,UN,USA,Finland,France iyo Germany.