Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo gudbinaya mooshin ka Dhan ah sharciga saxaafadda Soomaaliya.

Baarlamaanka dalka ingiriiska ayaa gudbinaya mooshin kadhan ah sharciga saxaafadda somalia oo horay ay umeelmariyeen xillibaanada baarlamaanka somalia waxaana udhiman saxiixa madxaweynaha jamhuuriyadda federaalka somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xubno katirsan baarlamaanka dalka ingiriiska ayaa doonaya in ay gudbiyaan mooshin kadhan ah sharciga saxaafadda Somali kaasi oo ay ugudbin doonaan barlamaanka dalka ingiriiska maadaama ay sheegeen in sharcigaan uu haliskuyahay xorriyada saxaafadda somalia islamarkaana uu caqabad kuyahay wariyayaasha kashaqeeya saxaafadda wallow mooshinkan aan weli la horgeen baarlamaaanka dalka ingiriiska.

Mooshinkan ay wadaan xubno katirsan baarlamaanka dalka ingiriiska ayaa waxaa abaabulkiisa wada midowga saxafiyiinta dalalka ingiriisa iyo Ireland waxaana ay sheegeen midowgan saxafiyiinta ee magacooda loo soo gaabiyo ( NUJ) in sharcigan uu xaqirayo xaquuqda saxafiyiinta xorta ah.

Sharciga saxafadda Soomaaliya waxaa horay usoo meel mariyay xillibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare waxaana udhiman in uu saxiix madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Somalia maxamed cabdullahi farmaajo.