American phobia:Fadlan caawi Cilmi baarayaasha.

Haddii aad Maalmahaan fiiriso Arragtiyada iyo Doodaha Dadweynaha Somalida, waxa aad dareemee in 10kii Bil ee u dambeysay uu abuurmayo naceyb loo qabo Mareykanka. (F.S: 1& 2aad)

Si aan u ogaado sababta, waxaan 100 Questionnaire u qeybiyay 10 Arday, si qeybaha kala duwan ee Bulshada ey uga xog wareystaan. Fadlan haddii aad la kulanto Ardaydaa, ka caawi.

kuma weydiinayaan Magacaaga iyo Cinwaankaaga, waxa ey ku weeydiinayaan, Da’daada, heerkaaga wax barasho iyo Xaaladaada qooys, Guur ama weli ma guursan.

kadibna qoraalka 10 su’aal, oo kooban ayey ku soo hordhigayaan oo ah sida aad u aragto iyo Sababta Naceybka Mareykanku u sii badanayo waqtiyadaan dambe sida muuqato.

Haddii aad aaminsan tahay in uuna jirin American naceyb , ka jawaab Su’aasha 11aad oo kaliya.

FG: wallaahi, ma jirto cid gaar ah oo ii dirsatay Cilmi baaristaan iyo cid aan la wadaagayo xog ururuntaa, Anniga ayaa u rabo si gaar ah, in aan iskeey u ogaado.

mahadsanid

Qore: Yahya Amir