Soomaali Badan oo in muddo ah ku Xayirnaa Dalka Yemen oo Dib loogu Soo Celiyay Dalka

Waxaa dalka Dib loogu soo celiyay dad Soomaaliyeed oo mudooyinki Dambe ku xiyirnaa Dalka Yaman oo tiradoodu gaarayso ilaa 134 qof oo Soomaali ah, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Hay’adda IOM qeybteeda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkan ay kasoo daabushay Yemen ay isugu jiraan Haween, Carruur iyo dhalinyaro, iyagoona muddooyinkii dambe ku xayirnaa dalkaas.

Dadkaan Soomaalida ah ayaa waxaa Magaalada Cadan looga soo qaaday Doon, waxaana ay kala ahaayeen 73 ruux oo rag ah iyo 61 oo ahaa Dumar, waxaana si nabad ah doonta ay ku keentay Magaalada Berbera ee Somaliland.

Ugu dambeyntii Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa tilmaamtay in lacagta dib loogu soo celiyay 134-ta qof ee Soomaalida ay iyaga bixisay, isla markaana ay ka heshay hay’adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga