Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni mubarak oo geeriyooday.

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, oo Masar xakumayey ku dhawaad ​​30 sano oo is casilay, kadib kacdoon caan ah oo dhacay sanadkii 2011, ayaa dhintay isagoo 91 jir.

Telefishinka dowladda ayaa Talaadadii maanta laga sheegay in Mubaraak uu u dhintay qalliin lagu sameeyay. Ninka uu soddoga u yahay, General Mounir Thabet, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP in uu ku dhintay isbitaalka militariga ee Qaahira.

Mubaraak wuxuu soo noqday madaxweynaha Afraad ee Masar laga soo bilaabo 1981 ilaa xukunka laga tuuray waxa loogu magac daray kacaankii gugii carabta.

Waa la xidhay sannado ka dib markii kacdoonku dhacay, laakiin waa la sii daayay sanadkii 2017 kadib markii lagu waayey eedeymahii lagu heystat badankood.

Xusni ayaa argagax galiyay Masriyiin badan, oo kumanaan ah, kuwaa oo lagu daadiyay bartamaha Qaahira si ay u muujiyaan cadhadooda ka dhanka ah Maxkamada.