Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad “Waxay qarisay Tirada Askartii lagu dilay Ceel-Saliini…”

Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qarineyso tiradda askarta ay Al-Shabaab ku dishay weerarkii saldhiga Ceel Saliini ee Gobolka Shabeellah hoose,19 February 2020.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugaga hadlay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen Ceel Saliini halkaas oo ciidamo badan ay ku dhinteen.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in dagaalka ay Al shabaab ku qaateen gaadiid dagaal sidoo kale ay baahiyeen Sawiradda Askar Sawirada askar Mayd ah iyo kuwa dhaawac,hayeeshee aysan ka hadlin Dowladda Faderaalka Soomaaliya dagaalkiisa.

“Alshabaab waxay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 42 askari oo katirsan ciidamada dowlada, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub aad u farabadan. Dowlada Federaalka ilaa hada sooma hadal qaadin qasaaraha naf iyo maalba leh ee ciidamadeena soo gaaray. Umana tacsiyeen eheladii askartii meeshaas lagu laayay. Shan bilood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale Alshabaab ciidamada dowlada ku xasuuqeen Ceel Saliini, gadiid iyo hub farabadana ku qaateen. Intii yareed ee ka badbaaday xasuuqana xabsiyada ayay dowladu u taxaabtay!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Dhanka kale Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa tacsi u diray eheladda iyo asxaabta askartii ku dhimatay duulaankaasi Al shabaab ku qaaday Gobolka Shabeellaha hoose 19 bishaan February 2020 sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo fariin soo dhigay baraha bulshadda sheegay in xukuumadda federaalka ah ay ku cadaadineyso warbaahinta gudaha in aysan ka hadlin dhacdadaas sida uu sheegay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

“Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan” ayuu yiri Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame.

Ilo Madaxbanaan ayaa Mustaqbal u sheegay weerarkaasi lagu dilay ku dhawaad 20 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugnaa Xerada Ceel saliini sidoo kale,waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay Talihii waday Ciidanka ku sugnaa Ceel Saliini.

Al shabaab oo ka hadlay weerarkaasi waxa ay sheegeen in ay kdileen 15 kamid ah ciidamadda milatariga Soomaaliya isla markaana ay la wareegeen Saldhiga Ceel Saliini ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waan qabsanay Xeradda. Waxaan kaloo soo qaniimeysanay gaadiid gaashaaman iyo hubka lagu soo riddo diyaaradaha. Waxaana burburinay afar gaadiid,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay Wakaaladda Reuters.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya weerarkaasi si rasmi ah ugama hadlin, maalin kadib weerarkaasi 20 february 2020, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsanCiidanka xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, waxa uuna ku dhiira galiyay dagaalka ay Al shabaab kula jiraan.