Maxaa keenay iney Madaxweynayaashii hore ay u shiraan?


Dad badan ayaa fahmin ama aysan rabin in ay fahmaan waxa ka carreysiiyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo sababta Dowladda Federaalka ee hadda jirta ugu soo horjeedaan. Dad maangaab ah ayaa waxey wareejinayaan in Formaajo qabiil ahaan loo diidan yihiin. Sidaas xaalku maaha. Formaajo si sharaf leh ayaa loogu wareejiyey dowladnimada Soomaaliya. Dadka Muqdisho ku noolna u soo dhaweeyeen. Balse xagee buu la aadey?.

Soomaaliya waa dal dagaal sokeeye ka soo baxey oo hadda dib loo dhisayo dowladnimadiisa. Bulshada caalamkana ay gacan nagu siinayaan oo weli amniga qaranka iyo mida dowladda waxaa suga ciidamo ajanabi ah.

Dowladnimada Soomaaliya weli waa daciif aad ayeyna u nugushahay, waxa la doonayo ayaa ah xilligan in la dhiso kalsoonida bulshada. In la ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka federaalka ay dadku ku heshiiyeen si ku meelgaar ah, in la talo wadaag la ahaado oo uusan qofna ku takra falin awooda dowlada ee bulshadu ku ammaanaysatey.

Maxaa dhacey ?.

Formaajo iyo Khayre waxey la soo baxeen siyaasad ku dhisan cunfi, xoog isticmaalid, ku takri fal awoodeed, dastuurkii dalka ayey dhinac iska dhigeen iyaga oo diidey in siyaasiyiinta Muqdisho kulmaan, waxey kaloo diideen doodihii siyaasada iyo xoriyadii hadalka oo dastuurka federaalka banneenayey.

Cabdiraxman Cabdishakuur gurigiis ayey xilli habeen ah weerareen oo ay dad ku laayeen. Maalmo yar kadib gurigii Sanator Cabdi Qaybdiid ayaa la weerarey. Xildhibaan Muuse Suudi ayaa maalmo dhan loo hanjabayey. Baydhabo ayaa ciidamo Xamar laga kaxeeyey iyo ciidamo Itoobiyan loo adeegsadey shacab banaanbaxeyey dad badana waa lagu laayey.

Jubbaland ayaa la saarey cunnaqabateeyn diyaaradeed haddana waxaa la geeyey ciidamo Muqdisho laga qaadey si dadka deegaankaa ku nool loo cabburiyo loona burburiyo maamulka Jubbaland.

Dhuusomareeb ayaa sidoo kale ciidan Muqdisho laga qaadey la geeyey si dadka loogu qasbo nidaam iyo qof ay dowladdu wadato iyadoo la diidey in dadka deegaanka si xor ah maamul ay heshiis ku yihiin u dhistaan.

Hadda waxaa shaki ku jira in dalku doorasho ka dhaceyso iyo inkale. Xilli ku darsasho iyo iska dabawareeg in ay la yimaadaan baa looga shaki qabaa.

Puntland waxaaba laga yaabaa in ayba ka baxdo Dowladda Federaalka, shir ayey ku balansan yihiin bisha soo socota siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Puntland si ay ugu tashadaan aayaha iyo mustaqbalka Puntland iyo kan Soomaaliya.

Xaaladu marka ay halkaas mareyso waa in mas’uul isa saaraa qof walba oo dalkan iyo dowladimadiisa ay damqayso . Soomaaliya xukun kalitalis ah hore ayey u soo aragtey meel aad u xun ayuuna dalkan geeyey, oo burbur iyo xasuuq leh.

Cali Mahdi, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta kale ee qaylinaya waxaa u muuqda halis, in dalkan bohol iyo burbur lagu wado, waana sababta raggaas wadanka madax hore ugu soo noqdey iyo waxgarad kale kiciyey.

Soomaaliya waa bulsho u dhisan qaab beelleed, beel walba waxey xaq u leeyihiin in ay ka tashataan aayaha ummaddooda iyo midka qarankaba markasta oo halis u soo muuqata.

Dowladnimadu waa heshiis bulsho waxaana sal u ah sharci iyo dastuur. Qof alaale qofkii ku takri falayo awooda dowladnimo waa layska qabanayaa. In aad Madaxweyne tahay ama Ra’iise Wasaare aad tahay kaama dhigeyso in sharciga ka sarreysid.

Isla gudoomin, wada tashi, istixgelin, isku tanaasulid, ilaalinta dastuurka iyo in laga wada tashado masiirka ummadda ayey ku iman kartaa dowladnimada Soomaaliya, haddii taasi la waayo waa lagu kala tagayaa nin walba tuuladiis ayuu ka dowladeynayaa.

Soomaaliya waa ka dhamaatey xilligii magaca dowladnimo dadka lagu dulmin jirey iyo xilligii qof ama koox sidee doonto ka yeeli jirtey awooda dowladnimo. Dowladnimadu waa wax la wada leeyahay, si raali lagu wada yahay keliya ayey ku jiri kartaa.

Ilyas Mohamud Hussein