Madaxweynaha K/Galbeed oo Xil ka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa.

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleeedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, waxa uu xil ka qaadis iyo magacaabis cusub uu ku sameeyay Wasiiro katirsan Maamulkiisa.

Wasiirada Xil ka qaadista lagu sameeyay waxaa kamid, Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq oo ah Wasiirka Waxbarashada, Faysal Cabdullaahi Cali Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Jibriil Maxamuud Aadan oo isna ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada KGS.

Madaxweyne Cabdicasiis waxa uu magacaabay xubnaha badalaya Wasiirada uu xil ka qaadista ku sameeyay, waxaana Wasaaradda Waxbarashada uu u magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha waxa uu u dhiibay Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi iyo Cabdifitaax Isaaq Maxamed oo isna loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka KGS.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxa uu muddooyinkii dambe waday qorshe uu isbadal ugu sameynayo qaar kamid ah Wasiiradiisa, waxaana dhanka kale uu u xusul duubayaa sidii uu yareyn lahaa baarlamaanka cusub ee KGS.