Madaxwaynaha Jarmalka Kenya oo ku amaanay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa bogaadiyey dhaqdhaqaaqyadda ay Kenya kawado Soomaaliya si gaar ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kadib Casuumaad uu ka helay Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru ayuu hadalkani ka sheegay wareysi uu siiyey wargeyska Daily Nation.

Mar su’aal laga waydiiye Howlaha Dowlada Germany ay ka taageereyso Dowlada Kenya ee ku aadan dagaalka ka dhan alshabaab ayuu sheegay Madaxwayne Steinmeier in Dowlada Germany ay taagerto Howlaha Amisom ee Soomaaliya ka socda.

“”Kenya waxay dhaqan u leedahay xiriir ku dhisan nabad, deris-wanaag iyo khilaafka Geeka Afrika oo lagu dhameeyo qaab nabadoon,” ayuu raaciyey Hadalkiisa.

Waxaa uu sheegay in Dowladiisa Jarmalka ay qadarineyso Howlgalada Dowlada Kenya ay kawado Soomaaliya ee ka dhan Alshabaab iyadoo Qayb ka ah Howl-galka Nabad Ilaalinta Midowga afrika ee Amisom.

“Intaa waxaa dheer, Jarmalku wuxuu si gaar ah u qadarinayaa kaalintii joogtada ahayd ee ay Kenya ku laheyd sanadihii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xasilinta dalka dariskaaga ah ee Soomaaliya. Ilaa iyo 2012, ciidamada Kenya waxay qayb muhiim ah ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, oo ay taageerayaan Midowga Yurub, Jarmalka iyo bulshada caalamka”.

Madaxwaynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa waxaa uu Sidoo kale Tilmaamay in dowlada Kenya aysan Niyad jabinin weerarada isdaba jooga ahaa ee alshabaab sanadan ka sameysay Gobolka Waqooyi bari ee Kenya.

“Wadankaaga kama niyad jabin weeraradii isdaba joogga ahaa ee Al-Shabaab ku soo qaadday,Arimahan oo dhan waa uu ku guuleystay Wadanka.” Ayuu yiri isagoo tilmaamay in kenya ay Taasi ku Faani karto.

Waxaa uu ugu dambeyntii Qeexay in Dowladiisa Jarmalka ay taageero Siiso Dowlada Soomaliya oo xaga amaanka iyo dib u habeynta Siyaasada.

“Jarmalka wuxuu taakuleeyaa Soomaaliya gaar ahaan taageero dhanka ammaanka ah, amniga badda si lamid ah dib-u-dhiska iyo dib u habeynta siyaasadda,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Steinmeier.

Tan iyo 2011-kii Booqashadii Raiisul wasaare Angela Merkel,Booqashada Steinmeier ayaa ka dhigan masuulkii ugu sareeyay ee Jarmalka ah kaasoo Booqasho ku taga Dalka Kenya.