Cumar Filish: “Forex waa halis dhaqaale oo dhibaato ku ah Shacabka Soomaaliyeed”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Muqdisho waxa uu ka hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee tooska (Forex).

Duqa Muqdisho, waxa uu tilmaamay in adeegaan uu halis ku yahay Bulshada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in dadka ku lugta leh ama lacagaha gashtay ay ka fogaadaan, si aanu u gaarin dhibaato dhaqaale.

“Aniga aragtideyda, waxyaabaha la yiraahdo Forex oo hadda dalkeena ka bilawday, dadkuna ay u arkaan faaiido, laakiin hadii aysan ka waan-toobin ay arki doonaan in aysan faaiido ahayn oo halis guud ku tahay, mana ahan in sida kalluunka Maqaalinta loogu dabo oo kale in nalagu dabo, wixii bulshadeeda dhib ama caqabad ku ah waa mas’uuliyad isaaran in aan sheego” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in aysan bixineen ruqsadda dadka ka ganacsada Sarifka Lacagaha qalaad ee tooska ah oo lacago badan ay gashteen qaar kamid ah Dadka ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale, Bangiga dhexe ee dalka ayaa Warqad uu shalay soo saaray ku sheegay in aanu jirin shirkad u diiwaangashan oo qabata adeegga sarifka lacagaha qalaad ee Forex, waxaana uu shacabka ugu digay adeegaan oo uu Bangiga ku tilmaamay khasaare dhaqaale oo ku wajahan dadka lacagaha gashtay sida qoraalka Bangiga lagu sheegay.