Ciidamada Dambi baarista Kenya ee DCI-da oo Howlgal ka Fuliyay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Nairobi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Waaxda dambi baarista dalkani Kenya ee DCI-da ayaa howlgal ka sameeyay Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Kenya ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay 2 qof oo Muqalasiin ah iyo 11 qof oo Dumar oo ay tahriibinayeen, iyagoona lasoo qabtay Xaafadda Islii.

Sida laga soo xigtay waaxda baarista 11-ka dumarka ah ee la tahriibinayay oo dadooda u u dhaxeyso 23 ilaa iyo 30 sanno ayaa ku jiray qol ku yaalla state-ka lagu magacaabo Ushirika ee Islii.

Labada Nin ee tahriibinyay dadkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman, waxaana lagu wadaa in in maanta oo Isniin ah la soo taago Maxkamada Nairobi.