Axmed Madoobe oo Qorshe dib loogu habeenaayo Ciidamada Maamulkiisa u tagay Magaalada Dhoobley.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dhoobley ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Maamulkiisa iyo kuwa xooga dalka ee ku sugan Dhooblay sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Warka ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha sidoo kale inta Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka ee Gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khilaaf xooggan kala dhexeeyo Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe uu dib ugu habayn ugu samaynayo Ciidanka Maamulkaasi ee ku sugan Gobolka Jubbada hoose,maadaama Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen inta badan Gobolka Gedo.

Dhanka kale taliyaha ciidamadda xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke, ayaa lagu waramayaa in maanta oo Isniin ah uu isku day dil kaga badbaadey magaaladda Beledxaawo ee gobolkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in Kooke uu ku fakaday iska hor-imaad kooban oo labada daraf ku dhexmaray xaafad ka tirsan Beledxaawo, haatana Xaalka Magaaladda Baladxaawo degantahay.