Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dhoobley kula kulmay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugan Magaalada Dhoobley waxa uu la kulmay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas ee ku sugan Degmadaas.

Waxa uu kala hadlay sidii ay u sameyn lahayaeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo waddooyinka isku xira degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, maadaama Degmooyinka Gobolka Gedo intooda badan ka baxday gacanta maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo doorashadii uu ku qabtay Kismaayo kahor timid Dowladda federaalka, waxa uu wadaa abaabul uu dib isugu uruurinayo Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas, si aan saameyn taban ugu yeelan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DFS.

Maanta waxa uu la kulmayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxaana kulan kale uu kula ballansan yahay Saraakiisha Kenya ee hogaamineysa howlgalka AMISOM gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley waxa uu qorshuhu ahaa in uu dhulka maro, balse waa uu ka baaqday, maadaama maalmo kahor weerar toos ah iyo qaraxyo lagu qaaday Ciidamo sahminyay Wadada.

Diyaarad nuuca Qummaatiga u kaca oo ay leedahay Dowladda Kenya ayuu ku gaaray Degmada Dhoobley sida saraakiil katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland oo la socday Axmed Madoobe ay xaqiijiyeen.