Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday Gobolka Jubada dhexe.

War- ka soo baxay Wasaaradda War-faafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta degmada Saakow lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab laguna dhaawacay mid kale.

Waxaa kale oo war-saxafadeedka Wasaaradda war-faafinta Soomaaliya intaas ku daray in howlgalkaas lagu burburiyay talis ay Al-shabaab ku lahaayeen Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in howlgalkan oo ay la kaashatay Ciidanka Mareykanka ee Afrika uusan jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

Dowladda iyo Mareykanka ayaa iska kaashada duqeymaha ka dhanka ah Al-shabab iyada oo dhowr jeer dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay duqeyn ka fulisay Soomaaliya.

Sanadkan 2020 ayaa waxaa uu Mareykanka ka fuliyay howlgal dhibaca cirka ah oo kor u dhaafaya 20 weerar.

Majirto wax wara oo ka soo baxay Xoogga Al shabaab oo looga hadlay weerarka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay gaysatay degmada Saakow oo ay Maamulaan Dagaalyanada Al shabaab.

Gobolka Jubbada dhexe ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa gabi ahaanba Maamula Al shabaab,waxaana Diyaarada Maraykanka sanadkaan ka gaysteen duqaynta ugu badan marka loo eego Goboladda kale ee dalka.