Ciidamada Danab oo la wareegay deegaano dhowr ah,islamarkaana Gacanta ku dhigay Maleesjiyaad Al-Shabaab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandooska dowlada ee Danab ayaa Howgalo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxay ka sameeyeen deegaano Hoos Yimaada Gobolka Sh/hoose.

Howlgaladan ayaa ahaa kuwa ay bilaabeen ciidanka Danab kuwaas oo ka sameeyey Deegaano aad ugu Dhow Tooratoorow oo Maxkamada Shabaabku ay Ku taal.

Taliska Xooga dalka gaar ahaan qaybta Danab ayaa sheegay in Howlgaladan ay ka sameeyeen 6 deeegaan oo qaarkood Fariisin Muhiim ah u ah Alshabaab sida Baladul amiin, Tooratooroow, Macalinka, Buulo Bashiir, Duleed Sabiid,Caanoole Bariire iyo Deegano kale oo dhaca Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh.hoose.

Saraakiisha Danab ee Howlgalkani Hogaamineysay waxaa ay sheegeen in ay Gacanta ku dhigeen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab iyo Hubkii ay wateen waxaana ay geesta kale tilmaameen in Kuwa kale ay ka baxsadeen Gacanta Taliska.

Gaashaale Ismaaciil Maalin Taliyaha Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Waxaa uu warbaahinta Dowlada u sheegay in Deegaano dhowr ah ay isaga baxeen alshabaab deegaanadaas wali aysan Gaarin Ciidanka Xooga.

Deegaanada janaale iyo Sablaale ayaa Taliska Ciidanka Xooga waxaa ay sheegeen in shabaabku ay ka baxeen iyadoo aysan Wali gaarin Ciidanka Xooga dalka deegaanada.

Gudoomiyaha Gobolka sh.hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Geesta kale waxaa uu sheegay in howl galadani lagu Guuleystay ciidamada ay gacanta ku dhigeen Deegaano Muhiim u ah.

“Howlgalkani ujeedkiisu yahay burburinta meelaha ay kudhuumaaleeysanayaan Al-shabaab ayaa waxaa sameeynaya Ciidmadda Kumaandooska Xoogga Dalka Danab,waxaana lagu burburiyey dhowr xarumaad,sidoo kalena lagu qabtey lix xbnood kuwo kalena ay ku raad joogaan ayuu yiri” Guddoomiye Ibraahim Najax.

Shacabka deegaanadan ayaa warbaahinta mustaqbal u sheegay in ciidamada kumaandhooska ee deegaanada qaarkood tagay ay la kulmeen shacabka Iyo odoyaasha deeganadaas Goobo Fagaarana ay kula hadleen.

Alshabaab ayaa ku xoogan gobolka Sh.hoose waxaana aysan Jirin Wali war ay kasoo saareen Warkan kasoo yeeray taliska Xooga dalka.

Al-Shabaab ayaa hada maamula deegaano dhowr ah oo gobolka ku yaal balse wali weeraro xoogan ayay ka geystaan sida weerarkii todobaadkii hore ee lagu qaaday Saldhiga Ceel Saliini iyo sidoo kale Qoryooley.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab waxay soo bandhigeen Hub iyo Saanad ciidan oo ay sheegen in ay ku qabsadeen Weerarkii Qaraxyada ku Bilowday ee Ceel saliini,Geesta waxaa ay Go’doon galiyeen Degmada Qoryooley kadib markii buundada ugu weyn magaaalada qarax gaari ay la eegteen Burbur Xoogan uu soo gaaray.