Cali Mahdi ” Soomaali waxey u baahan tahay shir dib u heshiisiin qaran oo ay ku heshiinayaan beelaha Soomaaliyeed…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi asaga oo ka hadlayey shir ay beesha Mudullood maanta ugu furmey Muqdisho ayaa wuxuu yiri ” Soomaali waxey u baahan tahay shir dib u heshiisiin qaran oo ay ku heshiinayaan beelaha Soomaaliyeed si loo helo dowlad adag oo Soomaali ku mideysan tahay. Nidaamka Federaalka waxaa inoo keeney Meles Zanawi ra’iise wasaarihii hore ee Itoobiya si Soomaali u helin mar danbe dowlad xoog leh oo lagu mideysan yahay”.

Waan la qabaa Cali Mahdi aragtidiisa. Soomaali iyagoon dhab u heshiin ayaa reer Galbeed iyo IGAD gaar ahaan Itoobiya u soo dhiseen nidaam dowladnimo oo aad u jahwareer badan, daciif ah oo talo bulsho ku iman nidaamkaas oo hore iyo gadaal loo socodsiin la’yahay.

Qabiillada Soomaalidu marka ay dhab u heshiiyaan oo kalsoonida ummadda soo noqoto ayaa la heli karaa dowlad adag oo lagu mideysan yahay. Al Shabaab-na laga adkaan karaan. Ciidamada Amisom-na dalka laga saari karaa. Wixii intaa ka soo hara waa iska dabawareeg iyo Afgooye ha gaarin.

Ilyas Mohamud Hussein