Talisyada Booliska ee deeganada Galmudug oo isbadalo lagu sameeyay.

Muqdisho:-Taliska ciidamada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedallo ku sameeyey qeybaha kala duwan ee talisyada booliska ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug.

Warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxaa isbadal loogu sameeyay talisyada guud ee gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wareegtadan ayaa G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin loogu magacaabay taliyaha ciidamada booliska ee deegaanada maamulka Galmudug, halka taliye ku xigeen loo magacaabay G/Sare Maxamed Nuur Cali.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Galgaduud ayaa loo magacaabay, G/Dhexe Saciid Muuse Daad, halka taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug loo magacaabay, G/Dhexe Qaasim Sheekh Doon.

Warqadda kasoo baxday xaafiiska Taliyaha booliska Gen. Xijaar ayaa sidoo kale taliyaal cusub loogu magacaabay degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Hobyo, Matabaan, deegaanka Xeraale iyo Balambal.

Qoraalka Hoos ka askriso:-