Ciidamada Dowladdda oo la wareegay Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe.

Jowhar:-Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka Degmada Balcad waxa ay ku dileen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo burburiyay goob ay Gaadiidka uga qaadi jireen Lacago baad ah.

Howl-galka oo ka dhacay degaanka Danida ayay Ciidamadu Cagta ku mariyeen Saldhig ay nabad-diidku ku lahaayeen halkaasi, iyagoo dilay Labo horjooge, halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.

Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Danida ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay ku suganyihiin Saldhiggii ay kala wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinka ay Ciidanku ku wiiqayaan awoodda Argagixisada kuna xaqiijinayaan ammaanka Waddada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.