Waxaan la yaabay, shir dibada ka dhacayo oo Wasiirkii ku shaqada lahaa uu joogo, oo la taliye loo wakiishay=Nasashada Jimcaha.Q-188aad=

1-Macaalin ayaa fasalkii soo galay isaga oo Sinsinyeerka Surwaalkiisu “ Zip” u furan yahay. Gabar Ardayada ayaa ku tiri: Macallin Xafiiska Maamuluhu waa furan yahay, Maamulaha ayaana ku wacayo. Macallinkii waxa uu tagay Xafiiskii Maamulaha oo xiran, waa xanaaqay, hoos ayuu fiiriyay, waxa uu arkay in Sinsinyeerku u furan yahay, wuuna xirtay.( F.S: 1aad)

Ardayadii ayuu weydiiyay Xafiisku markuu furnaa Maamuluhu ma fadhiyay mise waa taagnaa. Waxa ey ku tiri: waa fadhiyay, daal badnna waa ka muuqday, ee ma xalay ayuu dagaal galay. Waxa uu yiri: Haa, si xun ayaa loo galay, waxba looma reeba .

( Howl kasta inta aadan bilaabin, marka hore Adigu is fiirfiire, Dadku kaama ogaal yaro, Taladana ka qaado)

2-Nin ayaa yiri: Gabdhaha da’da yar lama aamini karo, Islaamaha waaweyn ayaa wanaagsan oo isma suureyaan, Beena kuu sheegi maayaan. kadibna waxa uu shukaansaday islaan 70 sanno jir ah, muddo ayeey wada socdeen. Maalintii dambe ayuu ku balamiyay Baar Liido, weyna u gooysay. Telephone ayuu ku wacay , waxa ey ku tiri: Xabiibi, Hooyo ayaa caawa i celisay, oo habeen dambe ayaa la aroosayaa walaasheey iga weyn. ( F.S: 2aad)

( Haweenka da’da ah iyo siyaasigaba, Balamadooda iska hubi)

3- Macaalin Reer Xamar ah oo wax ka dhiganay Dugsiga Dhexe ee Hargesa, ayaa weeydiiyay Arday: haddii Adiga oo Hargesa Joogo ey Gabari ku weeydiisato, $50 si ey “Saloon” ugu aado oo ey isa soo qurxiso, oo aad siiso $ 100 meeqa ayeey kuu soo celenee. Ardaygii ayaa yiri: Dee waxba. Macalinkii ayaa ku yiri: yahuu ,naga bax xisaabta maba taqaanide. Ardaygii ayaa yiri: Dee , macallin Adiguna Hablaha Hargeso garnmeeysid. ( F.S: 3aad)

(Wixii meel ku saxan, meel kale ayeey ku khaldan yihiin, hana u qaadan inaad kaligaa saxan tahay)

4-Gabar Reer Burco ah ayaa Sheikh weeydiisay, Sheekhoow Aniga oo ah Somalilander, hadaan Muqadishu ku soomo ma leyga Aqbalayaa? Shiikhii ayaa yiri: Culumada ictiraaf raadisku Masaladaas waa isku khilaafsan yihiin, Laakim Jamhuurkoodu waxa ey qabaan in Soomkaasi khatar ku jiro, maadaama haddii Soomkii oo socdo aad Burco ku soo noqoato lagu xiri doono, Ciidu ku dhaafi doonto.

( Nin Wariyaa ayaa weydiiyay Ato Tafare Gabra walde: Haddii Madaxda Somalidu ey ku kulmaan Dalka gudihiisa, Go’aanadaa mala aqbalaa. Waxa uu yiri: Masaladaasu waa sax, laakin Jamhuurka Xabashidu waxa ey qabaan in Hirgalintu eynan ansaxeyn la’aantood)

5. Nin ayaa dhageeysanayay Xaaskiisa oo kitaab qur’aan Akhrineysa ,markii eey Akhrineeysay ayaadda leh: Ragga waxaa u banana Labo, Saddax iyo Afar Xaas. Mathnaa, waa thulaatha, wa Rubaaca ayeey hoos u aqrisay, Ninkii oo dhoola cadeeynayo ayaa yiri: kor isaga Aqri, Anniga, Labo, Saddax iyo Afarba Adigaa ii ehe.

( waan arkay Sheikh caan ah oo Markuu Khudbada Jimcaha ka akhrinayo Masjidka Madaxdu u badan tahay, waxa uu ka tagaa Aaayadaha ka hadlayo Masuuliyada Madaxda saaran.,… yac….. Magaciisa kuma weydiin)

6- Naag Maseyrsan ayaa Ninkeeda oo mar mar Tabliiq aado, ayaa mar kasta oo uu Tabliiq u baxo ku tiraa: Tabliiqa ayaan kuu raacayaa “ Arbaciin yoomka waan wada bexeeynaa”. Waxa uu ku yiri: Tabliiqa Haweenku uma baxaan. Waxa ey ku tiri: Haddii ey saa tahay, Soow taan Xajkiiba isku raacnay, mise xaas kale ayaad iga qaree oo ku raacdo. Haddii ey saa tahay Xarakada Tabliiqa ka soo bax, ee Suufiyada soo gal aan Siyaarta Sheikh Aweeys wada aadnee. ( F.S: 4aad)

(Waxaan la yaabay, shir dibada ka dhacayo oo Wasiirkii ku shaqada lahaa uu joogo, oo la taliye loo wakiishay)

Qore: Yahya Amir