S/Guuto Maxamed Cali Bariise “Anigaa Xilka iska Casilay ee xilka la igama qaadin waa been..”

Taliye ku xigeenkii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/ Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa beeniyay inuu Madaxweyne Farmaajo xilka ka qaadey, isagoona sheegay inuu iska casilay labo maalin ka hor xilkaasi.

Sidoo kale Taliye ku xigeenkii ciidanka xoogga dalka ayaa wuxuu sheegay in warqadda xilka looga qaadayo ee u ku arkay Baraha Bulshada,sida Facebook iyo Twitterka Villa Somalia,iyada oo aan wax jawaab ah laga siin warqadii uu gudbiyey.

Dhanka kale Warar Soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo inuu garaadooyinka uu ka qaado Taliye ku xigeenkii ciidanka xoogga dalka, sida uu sheegay Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, kadib qoraal uu soo dhibay bartiisa Facebook-ga.

https://www.facebook.com/AhmedMoFiqi?__tn__=%2CdC-R-R&eid=ARC_gh7tRaZpMzOJzLqI8rsljs8U1Ojhwp5jhnXu2xq6kRVSMQ9BQfh1P02_EJ0YgGbBV96qGszH58Xh&hc_ref=ARQS_banfyd6UagyFSfNfZ1R7ARHlkrnRHWOm1YtZ_-pZ9RHb2o5CMpCF7pQR5LGtzE&fref=nf

Hoose ka Akhriso Warqada:-