Ciidamada Jubbaland iyo Al- Shabaab oo Dagaal ku dhex maray Deegaano ka tirsan J/Hoose.

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku soo waramayaan in maanta uu dagaal ka dhacay gobolkaasi jubbada Hoose, kaas oo dhexeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay wadada u galeen ciidamada Jubbaland xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa magaalooyin ka Dhooblee iyo Af-Madow ee gobolkaasi Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa kaga dhimatay ciidamada Jubbaland halka 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dhinteen, dagaalkaasi maanta dhacay, sida ay warbaahinta u sheegeen laamaha amniga Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxaya dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku aadan dagaalkii maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.