Xaliimo Yarey “Galmudug waxay ka mid tahay goobaha ay ka dhacayso doorashada 2020-2021-ka..”

Dhuusamareeb:-Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey oo warbaahinta kula hadashay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ka hadashay arrimaha doorashooyinka,waxayna sheegtay in kulamo wada tashi ay guddigooda haatan ka wadaan Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo sheegtay in Galmudug ay ka mid tahay goobaha ka dhici karto doorashada 2020-2021-ka.

Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya, iyadoona sheegtay in haatan la meel mariyay sharciga doorashooyinka qaranka, islamarkaana dhawaaan ay rajeynayaan in madaxweynaha soomaaliya uu saxiixo.

Sidoo kale Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in deegaano ka tirsan Maamul goboleedka qaar ay guddigooda soo mareen, islamarkaana ay la tashiyo la soo sameeyeen dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanadaasi.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale waxaa ay tilmaamtay in ay sii wadi doonaan shirarka ay la qaadanayaan bulshada ku nool deegaanada Galmudug.

Hadalka Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ka sheegtay kadib markii ay ka qeyb gashay kulan looga hadlayay Ololaha wacyi galinta Bulshada Galmudug ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka 2020-2021.