Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Dowladdaha Somalia iyo Mareykanka ayaa waxay war ka soo saareen duqeyn ka dhacday Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta ayaa waxay ka dhacday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib, Somalia, sida ay baahisay wakaalada wararka ee SONNA.

Warka ka soo baxay dowladdaha Somalia iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay sedex Maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan.

Dhanka kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay wadaan baaris ku aadan in khasaaraha uu ka soo gaaray dad shacab ah duqeynta ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexde.