Maleeshiyaadka Al Shabaab oo isaga baxday Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kasoo ruqaansaday deegaanka Araare, islamarkaana cagta soo mariyay deegaanada Kaban iyo Bangaani ee gobolka Jubada hoose ayaa waxey hal KM wax ka yar usoo jirsadeen Jamaame, taasi oo keentay in argagixisada ay isaga cararaan Jammaame iyo degaanada hoosta ee ay ku sugnayeen argagaxisad.

Taliyaha Guutada 11-aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay hadda ay u jiraan wax ka yar hal Kiilo mitir.

G/le Sare Maxamed Badal, ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay ka sameeynayaan Ciidamadda Xoogga Dalka, Goobihii ay soo mareen ay ka soo saareen ilaa iyo labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Howlgalkaani ayaa ujeedkiisu yahay baacsiga Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, Kuwaasi oo baneystay Daadinta dhiiga iyo boobka hantida Ummadda Soomaaliyeed.