Madaxweyne Puntland Deni oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyayaashii Ciidamadda PMPF Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday Agaasimeyaashii iyo Taliyeyaashii ciidanka Badda Puntland (PMPF).

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni oo ku taariikhaysan 17 bishan, caawa saqdii dhexena la baahiyey, ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed.

Sidoo kale waxaa xilka ka qaadis lagu sameeyey Taliyihii iyo Taliye ku-xigeenadii ciidanka PMPF, Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax, Admiral Maxamuud Siciid Ciise iyo Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf. Waxaana la magacaabay Afar Taliye oo cusub.

G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF

G/dhexe Xabiib Faarax Xassan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.

G/dhexe Baarri Salaad Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF.

G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF.

Taliyeyaashii xilalka laga qaaday ayaa loo bedelay Taliska Guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland.

Digreetada Madaxweyne Dani Hoos ka aqriso:-

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).

Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF).

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.
1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax

1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise

1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf

Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF
Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF
Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF
Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.
Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF
Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=