Talooyin ku socda Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada maamulka Soomaaliland.

Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Somaliland, aan marka hore ka waramo ereyo waayadan soo kordhay, kuwaasi oo khatar ku ah midnimada umaddeenna Soomaaliyeed iyo waliba wadajirka dalkeenan nagu wada filan.

Ereyadan, ayaa la isticmaalaa marka laga hadlayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, iyadoona la leeyahay “Soomaaliya iyo Soomaaliland”, halkii ay ahayd in la yiraahdo “Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland” maadaama laga hadlayo hal dal. Isticmaalka ereyadan, ayaa muuujinayo damiirxumo iyo waliba aqoondarro ku aaddan xagga nidaamka dowliga ah.

Tusaale ahaan, Soomaaliland ma ahan dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay. Sidoo kalena, Dowladda Federaalku ma ahan dowlad loo dhisay gobolada Koonfureed oo kaliya. Sidaa daraadeed ma jirto sabab loo isticmaalo ereyadaasi wax u dhimayo midnimada iyo wadajirka dalka iyadoo waliba la helo karo ereyo kale oo ku haboon cidda laga hadlayo.

Daahiradan khabiithka ah ayaa ku dhex faaftay qeybo ka mid bulshada Soomaaliyeed oo xittaa ay ku jiraan warbaahin muxtarim ah sida idaacadaha BBC iyo VOA-da oo kale. Waxay sidoo kale daahiradan ku dhex faaftay qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo og ay inay danbi tahay istcmaalka ereyo wax u dhimayo midnimada umadda iyo waliba wadajirka dalka !!

Marka aad u kacdo xagga diinteenna Islaamka, waxaad arkeysaa inay si adag uga hadashay furqada iyo kala tagga. Waxay sidoo kale diintu baneysay in la la dagaalamo kuwa u sacyinayo furqada iyo kala tagga. Sidaa daraadeed, waxaa haboon inaan la hor ordin kuwa ku baaqayo kala goynta dalka iyo waliba baabi’inta himaladii Soomaaliweyn ee shariifka ahayd.

Waxay ahayd in maanta oo kale laga fikiro sidii loo mideyn lahaa Jamhuuriyadda iyo dalka Jabuuti oo labaduba xor ah, si uu halkaasi uga soo baxo dal ballaaran, isla markaana leh xoog dhaqaale iyo mid caskari maadaama uu kheyraadkeenu badan yahay, laakiin nasiibdarro waxaan arkeynaa dad Soomaali oo maanta u heelan kala goynta intii la isu keenay. Arintanina waxay runtii dharbaaxo ku tahay dadaalkii awoowayaasheenna iyo waliba dhiiggii ay bixiyeen.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo talooyin aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aadddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Soomaaliland ee ku haminayo kala dhantaalidda midnimada umadda Soomaaliyeed iyo dalkooda. Talooyinkaasi oo si cad u taaban doona qaabka ay tahay in loo wajayo wadahadaladaasi, si aysan u dhaawacin midnimada dalkeenna.

Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka, ayaa looga fadhiyaa inay ka miradhaliyaan wadahadaladan muhiimka ee ay mandate-ka u haystaan, Kuwaasi oo ay soo bilaabeen dowladihii iyaga ka horeeyey. Waxaana wadahadalada looga golleeyahay in lagu soo xarageliyo maamulka Soomaaliland ee u sacyinayo gooni-isutaagga wallow uusan fikirkaasi ku matalin dadka reer Waqooyiga oo dhan, iyadoo aan la dhaawaceyn midnimada iyo wadajirka dalka.

Wadaxaajoodyadan, ayaa sidoo kale looga dan leeyahay in lagu dhameeyo wax alaale iyo wixii tabasho ah oo ay qabaan dadka reer Waqooyiga noocay doontaba ha noqotee, Iyadoona dhinaca kale lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo horseeda awood qeybsi ku dhisan caddaalad iyo sinaan la jaanqaadi karta Soomaaliyada cusub ee la doonayo in la yagleelo.

Hadabo, si ay wadahadaladan u guuleystaan, waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo waaliba Guddigii dib-u-heshiisiinta ee arintan loo xil saaray in marka hore dadweynaha Soomaaliyeed looga jawaabo sedex su’aalood oo muhiim ah, kuwaasi oo horseedi kara xalka la raadinayo. Waxa ayna kala yihiin:

1- Yaa waayo cidda wax tabaneyso ? Tusaale ahaan, ma dadka reer Waqooyiga oo dhan baa mise waa beel gaar ah.
Haddii ay beel gaar tahay waa tuma beeshaasi ? Haddii uu deegaan yahayna magacii deegaankaasi.

2- Yaa wax laga tabanayaa ? Ma system mise dad gaar ah ? Haddii uu system yahay waa kuma systemkaasi ? Haddii ay dad gaar ah yihiinna waa kuma dadkaasi ?

3- Waa maxay waxa la tabanayo ? Ma dulmi iyo dil dhacay baa mise waa xuquuq iyo awood qeysi la waayey. Haddii uu dulmi yahay goorma ayuu dulmigaasi bilowday ? Yaase bilaabay ? Haddii ay tahay xuquuq iyo awood qeybsi la waayeyna yaa sabab u ah arintaasi ?

Marka laga jawaabo dhamaan su’aalahaasi ayey fududdahay runtii in laga hadlo xalka la raadinayo iyo cidda loo raadinayoba. Dhinaca kalena, ma fiicna in la galo dulmi cusub iyadoo la xalinayo dulmi hore. Maadaama uu mowduucan muhiim u yahay midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay iyo waliba xalinta dhibaatooyinkii dhacay, Hadabo waxaa haboon in loo wajaho si caddaalad ah.

Sidan soo sheegeyba, waxaa haboon in mawduucan xaqiisa la siiyo, Iyadoo la cadeynayo dhibanaha, waxa uu tabanayo iyo waliba cidda uu ka tabanayoba inta aanba laga hadal siyaasad iyo awood qeybsi. Tusaale ahaan, waxaan og nahay inay badan yihiin dadka ku dhaqan gobolada Waqooyi, Kuwaasi oo aan qeyb ka ahayn musiibadii dhacday. Sidaa daraadeedna cadaalad ma fiicna in la isku wada xanbaaro dadka reer Waqooyiga oo dhan.

Waxaa sidoo kale haboon in arimahani ay qeyb ka noqdaan dib-u-heshiisiinta guud ee looga fadhiyey Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo maadaama Soomaali oo dhan ay iswada dishay. Suurtgal ma’ahan runtii in laga hadlo oo kaliya wixii ka dhacay Waqooyiga, maxaa yeelay dhibaatooyinkani waxa ay ka dhaceen dalka oo dhan. Sidaa daraadeedna waxaa habooon in dib-u-heshiistu noqto mid ballaaran.

Waxaa sidoo kale wanaagsan in dib-u-heshiisiintaasi ay qeyb weyn ka noqdaan odoyaasha dhaqanka iyo waliba culimada Soomaaliyeed, si loo soo afjaro dhammaan colaadaha, dagaalada sokeeye, dulmiga, caddaaladarrada, quursiga iyo waliba boobka ka yimaada wax qeybsiga xagga dowladnimda ee la haray dadka Soomaaliyeed. Ka dibna la isla qaato hanaanka ugu fiican ee dowlad lagu maamulo, kaasi oo Soomaali u horseeda nabad iyo barwaaqo.

Sidaa daraadeed, waxaan ku talinayaa in marka hore laga hadlo dhibaatooyinkii dhacay. Ka dibna laga gaaro xal wuxuu doonaba xalkaasi ha noqdee. Ka dibna laga wadahadlo siyaasadda, awood qeybsiga iyo waliba hanaanka dowladeed ee ugu fiican ee dalkan lagu maamuli karo, iyadoo la hakinayo dib-uhabeynta dastuurka iyo waliba doorashooyinka 2021-ka si ugu danbeyn loo helo waxa ay Soomaali heshiis ku tahay, Taasi oo macnaheedi yahay waxaan sameyneynaa Soomaaliya CUSUB.

Dhinaca kale, waxaan uga digayaa Madaxda Dowladda Federaalka inay ku deg-degaan ka hadalka siyaasadda iyo awood qeybsiga, iyadoo aan xal laga gaarin dhibaatooyinkii dhacay. Waxaan sidoo kale uga diyayaa gelidda heshiisyo horseeda inuu dalkan kala go’o. Tusaale ahaan, waxaan ka digayaa farsamadii lagu kala jaray dalka Suudaan oo kale, Taasi ay ka qeyb ka ahaayeen dalalka Kenya, Itoobiya, Masar, Maraykan iyo waliba kuwa kale oo badan.

Farsamadaasi oo ku bilaabtay dhexdhexaadin shisheeye iyo waliba gelidda heshiin awood qeybsi oo ay ka danbeyn doonta afti laga qaado dadka ku dhaqan Koonfurta Suudan. Taasi oo ugu danbeyn keentay in Suudaan la kala jaro. Farsamadaasi oo ah midda hadda miiska u saaran shaqsiyaadka hogaamiya maamulka Soomaaliland ee isku qorayo baalka madow ee taariikhda, laakiin waxaa Ilaah mahaddii ah in la fahamsan yahay shirqoolkaasi liita.

Ugu danbeyn, waxaan kula talinayaa Madaxada hogaamisa Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne farmaajo in laga miradhaliyo howlaha dib-u-heshiisiinta ee in mudda ah fadhiidka ahaa, Iyadoo aan la dhaawaceyn midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale kula talinayaa in masiirka gobolada Waqooyi aan loo gacan gelin dad gaar ah sida maamulka Muusi Biixi oo kale. Ogaadana inaan la isu cafin doonin wixii maanta khaldama. Allaahuma hal balaqtu ?

Maxamed Ibrahim
iidka1@hotmail.com