Muuse Biixi ”Raaligalintii uu Farmaajo bixiyey waan soo dhaweyneynaa laakin haku daro aqoonsiga…”


Madaxweynaha Somaliland oo maanta khudbad ka jeediyey aqalka guurtida, ayaa Waxaa uu ka hadlay waxyaabo badan oo Ku saabsan xaalada geeska afrika iyo Mida Soomaliya.

Waxaa uu hadalkiisa Ku bilaabay arinta shaqaalaha, Amniga iyo Arimaha Dibadda Somaliland.

Hadalka la sugaayey Waxay aheed arinta Farmaajo iyo Muuse waxyaabihii ay Ku wadahadleen iyo booqashada Farmaajo ee Hargeysa.

Raaligelinta uu Farmaajo bixiyay waanu soo dhaweyney, Hadaanu nahay bulshada Somaliland Laakiin mudane farmaajo
Haku daro aqoonsiga Somaliland.

Muuse Biixi ” Dowladda Farmaajo waa dowladii ugu cadaawada badneed ee Somalilanda la dagaashay, waxay dagaal dhaqaale iyo mid dadba ay ku soo qaaday Somaliland, waxay hor istaageen mashaariic ay lahayd Somaliland, waxay hakiyeen dhamman dhaqaalihii, waxbarashadii, heshiisyadii magaca somali lagu soo qaaday balse Somaliland lasiin jiray.

Madaxwayne Muuse Biixi markii ugu danbeysay ayuu u sheegay inuusan ogoleen in Farmaajo yimaado Hargeysa, Ma yeelayno, ma aqbalyno, suurto gal na ma ah inuu Farmaajo Hargeysa Yimaado, waana iska hadal hayn uun.

Gabaygii uu madaxwaynahu akhriyaay:

Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun ugu soo jeedo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono.

Isku soo wadaduub khudbadii uu jeediyey Muuse Biixi Waxay u egtahay inuusan soo dhaweyn waqtigaad hadda ka joogo in ay arinamaha koonfurta Iyo waqooyiga Soomaaliya khilaafkooda la xalin Karin oo aan waxba ka soo baxeynin maadaama ay taagan tahay dagaalka afka…