Kooxo Hubaysan oo dilay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka Buurhakaba.

Wararka aan ka heleyno Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas Maanta lagu dilay mid ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka Buurhakaba.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay inay toogteen Odeyga xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Buurhakaba, isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ooye Ibrahim, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa daqiiqado kadib tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Maxamed Ooye.