Saliidii Aan ku farxay!!! (Faallo)

Maanta ayaan Dukaan ku arkay Saliida Timaha ee “Linetti” Dadkii hore ayaa yaqaan, waxa ey eheyd Saliid Idaacada ii dheh looga sameeyn jiray, Dad yar ayaana iibsan jiray, waxa qiimaheedu ahaa dhowr shilin.

Waa Saliid ii leh Xusuus gaar ah, sida Qoraal hore aan idiinkugu sheegay, waxaan deganaa Qolkii Cariishka Jajaban ahaa ee Xaafadda Waaberri, waxaa ila deganaa 4 kale oo Xer iyo Arday ahaa.

Subaxdii marka aan Isgoolka aadayo ayaan Sariirta Banaanka dhigi jirnay, Sababtana Qoraalkii hore ayaan idiinkugu sheegay, Duul nala degan Qolka ayaan ka qandicinayay sariirta, Galabtii marka aan ka imaad Masjidka kitaabada naloogu aqriyo ayaan soo xareey jiray Sariirta (F.S: 1aad)

Waxaa kale oo noo yiil Aashuun yar oo khamiista oo kaliya la buuxiyo, maalintii mid kasta oo naga mid ah waxa uu isticmaali karaa hal Galaas oo Waji dhaq ah, khamiistana 4 Galaas oo qubeeys ah. wixii Biyaa ee intaa ka badan waa Badda ama Masjidka. (F.S 2aad)

Maalin ayaan waddada Maka mukarama Agteeda ka helay dhalo ey ka dhamaatay Saliida “Linetti” oo wax yar ey Salka uga hareen. waan soo qaatay Anniga oo aad ugu faraxsan, Biyo ayaan ka buuxiyay dhaladii, Sanduuqeeyga ayaan ku xirtay, maalin kasta wax yar ayaa ka marsan jiray, si loo dareemo in aan Linetti soo marsaday, Habeenkii aan Shaleemo Nasar aadayana Jeebka ayaan ku sii qaadan jiray, Si carafta loo dareemo. (F.S:3aad)

Nasiib darro 3 Sanno kadib ayaa Caraftii ka dhamaatay, kidibna Miiska ayaan saaray dhaladii si aan u muujino, Anniga iyo saaxiibadeey in Linetti naga dhamaaday.

waxaan ku faraxsanahay Maanta in aan ku arkay Dukaan, Anniga oo gadan karo Linetti.

Xasuus ayaan u soo gatay. Ar aaween Dadkii hore aan Madaxa u mareeyee, si ey xasuus ula daac daacdaan.

Qore :Yahya Amir