Murankii waxbarashada ee u dhaxeeyay DFS iyo Puntland oo xal laga gaaray.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa Maanta ka hadlay Khilaafka dhinaca waxbarashada ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xildhibaanada oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in xal buuxla laga gaaray Khilaafkii dhinaca Shahaadada Ardayda deegaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen Xildhibaanada labada Golle dowladda ee kasoo jeeda Puntland inay kulan la qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana ay wada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka waxbarashada uuna markii dambe Garowsho kasiiyay arrintaas.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu hay’addaha ku shaqada leh dhinaca Shahaadada ku amray in Ardayda Puntland la siiyo Shahaadada.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa Madaxda ugu sarreysay dowladda iyo Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada maamulkaas uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loo dhameeyay Khilaafkii la xiriiray dhinaca Shahaadada Ardayda deegaanada Puntland, kaasi oo bilihii lasoo dhaafay taagnaa.