Kooxaha isku haya Xukunka dalka Liibiya oo lagu dhex-dhexaadinayo Munich.

Munich:-Dhinacyada isku haya Xukunka Liibiya ayaa waxaa lagu dhex-dhexaadinayaa Magaalada Munich ee Dalka Jamalka.

Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa waxaa bayaan laga soo saaray shir caalami ah oo xal loogu raadinayo in Xabad-joojin iyo degenanaasho laga dhaliyo dalka Liibiya, kaas oo dhowaan ka furmay dalka Jarmalka, iyadoo shirkaas laga soo saaray bayaan dhinacyo badan taabanaya oo heshiis dhex dhigi kara dhinacyada kala duwan ee Liibiya.

Xaaladda dalka Liibiya ayaa noqonaysa mid faraha ka bax noqon kara, maadaama ay sii xoogaysteen colaadaha ka taagan dalkaasi, iyadoo ay jiraan hub iyo ciidamo dheeraad ah oo ku qulqulaya dalkaasi si ay u kala taageeraan dhinacyada isku haya halkaas.