Gudoomiye ku xigeenka Xaafadda Garsoor oo la dilay iyo Al-Shabaab oo sheegtay.

Wararka aan ka elayno Magaalada Gaalakcyo dhankeeda Waqooyi oo uu ka arrimiyo Maamulka Puntland waxay sheegayaan in Koox hubeysan ay dileen Gudoomiye ku xigeenka Xaafadda Garsoor Cabdiraxmaan Nuur Gureey (Geesdiir).

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ka mid ahaa Nabadoonada Gobalka Mudug gaar ahaan Waxgaradka Xaafadda Laanta Shanaad ee Garsoor ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhinaca Waqooyi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammanaka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa goobta tagay,waxaana ay ka qaadeen Meydka Cabdiraxmaan, waxayna wararka qaar sheegayaan in dhaawac halis ah uu soo gaaray ka hor inta aan loo qaadin mid ka mid ah goobaha caafimaadka, balse wuu geeriyooday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka, iyaga oo ku sheegay in Cabdiraxmaan Nuur Gureey oo ku magac dheeraa (Geesdiir) inuu la shaqeynayay Ciidamada Nabadsugidda Puntland.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Magaalada Gaalkacyo qaybta Waqooyi ee maamul ahaan toos tagta Puntland, waxaana baaritaanno sameeyay Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay shaqsiyaad ay lala xiriirinayaan Dilkaas.