Dowladda oo ka hadashay markii ugu horaysay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar dhawaanahaansocday oo ku aaddanaa in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo ) uu dhawaan tagi doono magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in wararkaasi aysan soo gaarin xafiiskiisa, waxaana uu sheegay in haddii uu tagayo farmaajo Somaliland aysan wax dhib ah lahayn, uuna mar waliba tagi karo Somaliland.

Waxaa uu sheegay in shacabku ay is dajiyaan oo ay joojiyaan hadalada xanafta leh ee la xariira arrintaan, isagoo shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan madaxweynaha haddii uu soo garo.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegayay in farmaajo iyo ras’isul wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed ay gaari doonaan magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah maamulka goni isutaagga ah ee Somaliland