Ciidamada Kenya oo Gacanta Ku Dhigay nin Bixiyay Digniin Weerar Al-Shabaab.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xireen nin bixiyay digniin laxariirta in weerar laga fulin rabo qeybo kamid ah dalka Kenya gaar ahaan kuleej kuyaalla koontiga Nakuru ee dalka Kenya waxaana digniintan uu kusoo qoray bartiisa facebooka isaga oo sheegaya in Alshabaab ay weerar kafulin rabaan kolleej kuyaalla qeybo kamid ah dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska dalka Kenya.

Booliska Kenya gaar ahaan saraakiisha amaanka gobalka Bomet ayaa bartooda twitterka kusoo qoray sidan “sida aan ku ogaannay baaritaannada iyo dabagalka sirdoonka Kenya ciidamada booliska waxa ay xireen nin bartiisa facebooka kusoo qoray digniin laxariirta in Alshabaab ay weerar kageysan rabaan kolleej”.

Laamaha sirdoonka Kenya ayaa sheegay In ninkan uu istimaalayay dhowr magac waxaana uu sheegay in magaciisa saxda uu yahay maxamed islamarkaana uu kayimid dalka somalia sida uu isagu sheegay.

Dowladda Kenya ayaa muujineysa feejignaan dheeraad ah waxa ayna kacabsi qabaan laamaha amaanka dowladda Kenya in xubno katirsan Alshabaab ay weeraro kafuliyaan qeybo kamid ah dalka Kenya.