Ciidamada Danab oo sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Sh/Hoose ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Leego Degmada Walanweyn ee Gobolka Sh/hoose, waxayna sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda inay bartilmaameedsadeen saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen 13 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa deegaanka Leego.

Warka wuxuu ntaa ku darayaa in ciidamada Danab ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadaan Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Gaashaanle Ismaaciil wuxuu sheegay in ujeedka howlgalada Ciidamada uu yahay sidii Al-Shabaab ay kaga qabasan lahaayeen deegaanada ay ku sugan yihiin ee dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka waday qaybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha hogaamineyso dhowr jeer ay sheegeen in ay dileen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan hadalka ka soo yeeray Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ee ah inay dileen 13-Maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab.