Burcad Hubeysan oo falal dil iyo dhac ka gaystay Deegaano ka tirsan Gonolka Sh\Dhexe.

Burcad hubeysan ayaa dad shacab ah waxay dil iyo dhac ugu geysteen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aynu ka helayno degaanka lagu magaacaabo Bashaqle oo ah duleedka warsheekh ee Gobolka SH\dhexe ayaa sheegaya in koox hubeysan ay gaari rakaab ah ugu geysteen degaankaas dil iyo dhac, waxay goobtaas ku dileen darawalkii gaariga, sidoo kale waxay dhac iyo jir dil u geeysten dadkii rakaabka ahaa ee gaarga la socday.

Rakaabka gaariga ayaa gaarayay 15 ruux oo ay dumar ku jiraan, wararka qaar ayaa sheegaya qaar ka mida dumarka saarnaa gaariga in ay kooxdii jidka u galay ay u geeysteen fal kufsi ah.

Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobtii ay falka ka fuliyeen, waxaana goor dambe goobtii laga qaaday maydkii darawalka.

Degaanno badan oo ka tirsan gobolada dalka waxa ka dhaca falalka nuucaan ah, waxaana waddooyinka xariiriya magaalada muqdisho iyo gobolada dalka ka dhaca falal isugu jira dil, dhac iyo kufsi loo geeysto haweenka safarka ah ee rakabka la socda.