Somaliland oo sheegtay ineysan diyaar u aheen Farmaajo inuu yimaado Hargeysa


Wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland, ayaa markii u horeysay war ka soo saartay Safarka la sheegay in uu Madaxweynaha Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska, isagoona xusay in Xukuumada Somaliland u taagan tahay ilaalinta jiritaankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Sida ay laga soo xigtay ilo-wareedyo rasmi ah, waraaqda, oo loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa loogu sheegay Itoobiya inaysan Somaliland marnaba diyaar u aheyn inay madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweyso magaalada Hargeysa.

Danjire Maxamed Caalim