Maamulka Puntland oo dowladda Federaalka uga digtay inay ciidamo geyso gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo la hadlay warbaahinta Puntland,ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay doonayso in ay ciidamo badan ku soo daabusho gobolka Mudug,si ay ula wareegto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ,in uu ka sii war-helay qorshe abaabulan oo dowladda Federaalku ay ku raadinayso, in ay bisha saddexaad ee soo socota ee sanadkan ciidamo ku soo daabusho gobolka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo, si ay ula wareegaan guud ahaan gobolkaasi Mudug.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay tallaabo militeri kaga jawaabi dooonaan, haddii ciidamada dawlada Federaalku ay tagaan deegaanada maamulka Puntland, isagoona dowladda federaalka uga digay in ay ciidamo geyso gobolka Mudug, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan hadalkan ka soo yeeray maamulka Puntland.