Danjire Caalim ”Siyaasada Madaxweyne Farmaajo oo meel xun la gashey?…”

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu kulan isugu yeedhay xubno ka mida Gollaha wasiiradda iyo shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland, waxa hadalka Furay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland wasiir Faratoon, wuxuu sheegay in Maalinka Sabtida soo socota sida Qorshuhu yahay hargeisa kasoo degi doonaan Raysalwasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo sidaas na ay u ogaadaan.

Intaas ka dib Madaxweyne Muuse ayaa hadlay wuxuu soo jeediyey inay ka talo bixiyaan hawshan……. waxa u jawaabay Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud aadan isagoo sheegay in waxa wasiir ku meesha ka sheegay yahay wax aan Caruurta xitaa loo sheegi karin, mar kale Biixi ayaa hadalka soo galay oo yidhi Wakhti ma haysano jawaab na waa la innaga sugayaa Guddoomiyaha Guurtida ayaa u jawaabay oo yidhi u dir Warqad Abiye oo ku dheh Shacabkaygii ayaa i diiday oo igu kacaya……. madaxweyne Biixi ayaa kusoo celiyey inay Talo keenaan isla Guddoomiye Saleebaan ayaa ugu jawaabay Hadda ba kaalay Baarlamaanka oo ka hor sheeg arinka….. waa na lagu kala kacay Goobtii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyey ee Booqda Hargeysa ka dib Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.

Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Farmaajo, oo madaxweyna ahi yimaado Hargeysa.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado”