Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo ku-Xigeenka James Swan oo kulan gaar ah wada yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubbaridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed.