Faah faahin ku saabsan Dilal xalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay buundada bartamaha magaalada Jowhar waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ah, illaa hadana lama yaqaan cidda ka dambeysay dilka wiilkaas oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Raagge.

Dilka labaad ayaa isla xalay ka dhacay xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana loo geystay wiil kale oo dhalinyaro ahaa, welina ma cadda cidda ka dambeysay dilka wiilkaas.

Ilaa seddax askari oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka dilkaasi uu ka dhacay ayaa la xiray, kuwaas oo wax laga weydiinayo cidda geysatay dilkas iyo waxa ay ka ogyihiin, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle.

Mudooyinkii dambe waxaa deganeyd xaaladda ammaan ee magaalada Jowhar, balse dadka ku nool magaalada ayaa cabsi iyo walaac badan ay ku abuureen dilalka ka dhacay magaalada saacadihii lasoo dhaafay.