Faah Faahin ku saabsan Dab Xooggan oo caawa ka Kacay xarunta Warshadda Biyaha Zamzam ee Duleedka Muqdisho.

Muqdisho:-Waxaa Caawa dab xoogan uu ka kacay Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam ee ku taalla Tabbeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dabka uu yahay mid xoogan uuna kusii faafayo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam.

Waxaa socda gurmad lagu deminayo dabka oo ay sameeynayan dadka deegaanka, mana jiro wax gaadiid ah dab demis ah oo halkaas gaaray.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan goobta uu dabka ka socdo, kuwaasi oo mararka qaar ridaya rasaas, sidoo kalena sugaya amniga Xarunta uu ka socdo Gurmad.

Dhanka kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dabkaas uu geystay Khasaaro hantiyadeed, welina lama oga waxyaabaha sababay inuu dabka ka kaco xarunta Warshadda Biyaha Zamzam.