Dowladda Kenya oo ka hadashay loolanka kala dhexeeya Jabuuti iyo eedeyn ay u jeediyeen Madaxweyne Geele.

Nairobi:-War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayay uga hadashay loolanka kala dhaxeeya dowladda Jabuuti ee ku aadan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay oo labada dowladood mudooyinkii ugu dambeeyay ay isku hayeen cida Afrika ku matalaysa.

Warkan ayaa dowladda Kenya waxay ku sheegtay in ay weli u xayiran tahay go’aan rasmi ah ee midowga Afrika iyo in la dhex dhexaadiyo labada dowladood loona ogolaado dowladda Kenya in hanashada kursigaas.

“Waxaan aad uga murugaysanahay hadalada is daba jooga ah ee aan diblomaasiyada u wanaagsanayn oo ka soo yeeraya madaxwaynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

21-ki bishii Agoosto 2019 midoowga Afrika waxa ay sameeyeen go’aankooda ugu dambeeya, kaas oo ahaa in Kenya kursigaasi hesho, “waxaan sii laba laabnay ololeheena, balse weli walaalaheen Jabuuti ma qanacsana”

“Midoowga Afrika waxaa uu xariir la sameeyay dhamaan wadamada qaybta ka ah jumciyada qurumaha ka dhaxaysa iyaga oo ku qanciyay in Kenya ay u sharaxan tahay kursiga aan joogtada ahayn taasi waxaa ay muujinaysaa in aysan jirin sabab ay walaalaheen Jabuuti uga soo hor jeestaan hamigeena” ayaa la sii raaciyey qoraalka.

Dowladda Jabuuti ayaa horay u shaacisay in ay san marnaba ka tanaasuli doonin musharaxnimadeeda kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay.