Rag hubeysan oo maanta Sarkaal ku dilay DegmadaDayniile ee Gobolka Banaadir.

Muqdisho:-Wararka nagasoo gaaraya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayanaa in maanta ay koox hubeysani ay degmadaasi ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada militeriga Soomaaliya,xilli uu ku sugnaa degmadaasi.

Allaha u naxariisto sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulle waxaana kooxda hubeysani ee dilka geystay ay ku dileen degmada Deyniile gaar ahaan Haanta-Dheer,iyagoona gobta isaga baxsaday dilka kadib.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in kooxda dilka gaystay ay ahaayeen labo ruyux oo bastoolado ku hubeysnaa, haybtoodana aan la garanaynin, waxa ay intaa ku dareen in markii ay dilka geysteen kadib ay goobta isaga baxsadeen.

Dilalka noocan ah ayaan ahayn kuwii horeeyay ee ka dhaca gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran,ma jirto ilaa iyo hadana cid sheegatay masuuliyada dilkan maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banadaadir.