Soomaaliya weli lama dhisin ciidamo qaran oo heshiis lagu yahay…


Soomaaliya weli lama dhisin ciidamo qaran oo heshiis lagu yahay. Ciidamada hadda jira ma aha ciidamo sharci ku dhisan waana ciidamo beeleed. Ha joogaan Muqdisho, Puntland, Koonfurta Galbeed ama Galmudug.

Waxaa jirey qorshe Soomaaliya loogu dhisi lahaa ciidamo qaran oo tiradoodu dhan tahay 18 kun oo beesha caalamka ay maalgelin lahayd, sidii lagu heshiiyey shirkii London ka dhacey bishii May 2017-kii.

Shirkaas London waxaa laga soo saaray heshiis xagga amniga ah kaas oo u dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka, heshiiskaas oo loogu yeero “Sucurity Pact” waxey ahayd in uu socon mudo 10 sano ah.

Qorshaha heshiisan ayaa ahaa dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa.

Waxey ahayd in 18 kun ciidan qaybsigooda ku heshiiyaan dowlada federaalka iyo dowladaha maamul goboleedyada.

Ma 4.5 ayaa ciidamada lagu qaybsanayaa mise qaab maamul goboleed iyo gobolka Banaadir. Waxey ahayd in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ku heshiiyaan. Dowladda Federaalka ayaa laga doonayey in ay hogaamiso hirgelinta mashruucan dhisida ciidamada qalabka sida laakiin ma hirgelin.

Hadda ciidamada dowladda ka qaadey Muqdisho ee geysey gobolka Gedo iyo Dhuusomareeb laguma sheegi karo ciidamo qaran. Tusaale ahaan Puntland ciidamadaas ma tagi karaan madaama weli lagu heshiin dhisida ciidamada qalabka sida.

Sidaan xogta ku hayo ciidamada la geeyey gobolka Gedo ee Muqdisho laga qaadey waxey u badan yihiin beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle. Ciidamada Jubbaland ka yimid ee soo gaarey duleedka degmada Buulo Xaawo iyaguna waxey u badan yihiin Ogaadeen. Haddii dagaal maanta ka dhaco Buulo Xaawo ama gobolka Gedo ciidamada ugu badan ee ku dhimanayo waa seddaxdaas reer wuxuuna noqonayaa dagaal ehel oo dad dano siyaasadeed leh ku laaynaya wiilal Soomaaliyeed.

Geeridaas waxey si qaas ah u taabanaysaa qoysaska ay ka geeriyoodaan wiilashaas.

Soomaaliya dagaal beeleed wey ka soo daashey in 30 sano kadib in dib loogu noqdaa waa foolxumo iyo ceeb. Siyaasadu markey qaldanto dhiig sokeeye oo daataa la huri maayo. Waxaase la yaabanahay xildhibaanada Hawiye iyo kuwa Digil iyo Mirifle oo ka aamusan wiilasha ay matalaan oo ku dhimanayo dagaal sokeeye oo koox dano gurucan oo siyaasadeed leh horboodayaan.

Ilyas Mohamoud Hussein