ABAAY IISHAAY..!!!

Abaay iishaay Qaraabadeeda Jareer weeyne ama Bantu dheh, waxa ey degaan 9 Gobal oo Dalka ah. Jiin Wabina iyagaa ugu badan, waana xoog ka mid ah Xoogaga ugu badan ee wax soo saarka.

Mogadishu tiradoodu waa 10-12% qiyaas ahaan. Degmooyinka qaarna 40%. haddana Hal Gudoomiye Degmo , Taliye Saldhig, Gudoomiye Maxkamad kuma leh. Cadaaladu saas miyaa?.

Haddii si Xaq ah ey u dhici leheyd Doorasho Qof iyo Cod ah,waxaa ey lahaan lahaayeen Xildhibaano ka badan Qabiilada qaar.Haddana waxaa lagu daray kooxda (.5) oo iyadiina lagu sii dhax dulmiyay.

waxaad ogtahay Doorkii ey ku lahaayeen Gobanimo doonkii, Suugaanta iyo dhaqanka Somalida waa dhoowraan.

Malaha Qaran dumiye, weligood Cadaw shisheeye lama soo safan, Laaluush qaatayaal Laguma soo eedeeyn.

Deeqaha wax barasho Saamigooda kama helaan. Xilaal sare looma dhiibi jirin ilaa xuriyadii ayeey cabanayeen. ma xasuusataa waqtigii Kacaanka ” Jaalle Siyaad Dad waa jimeeyay, Jareerse jaguuma dhiibin”.

Madaxda Sare ma guursadaan iisho walaalaheed inta la ogyahay, marka laga reebo Hal Masuul Sare,oo guursaday, hadase waa la isku yaacay dhinaca shacabka.

Culumaa’u dhinka Alhu dariiqa ee ugu Caansan wadanka waxa ey ka ahaayeen hormuud.

maxaad u dulmee ? Maxaad dhaantaa ?
ogoow iishaay walaalaheed, waa Adiga walaalahaa iyagaa Dad kuu xiga, waa Somali kugu Diin ah.

Cadaalada hala dhowro. Xuquuqda Qaran iyo tan deegaan ee ka maqan meel hala saaro, Xaafadaada Xamar ka bilaaw, Xil ma ka haayaan?.

Ar waa na dulmigaas !!!!!.

Qore:Yahya Amir