Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku  qabsoomaya Addis Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.